Ciyaaraha

Hor dhaca Man City vs Spurs.

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier league ayaa noqon doona mid ka dhici doona garoonka Etihad stadium  kulanka dhexayn doona kooxaha man city iyo tottenham .Man city ayaa rajaynaysa in ay sii dheeraysatorikoodhkeeda cajiibka ah ee bilowga horyaalka ee garoonkeeda iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin 24kulan tan ilaa markii ay guuldaro kala kulmeen southamton xili ciyaareedkii 1989/1990

Kooxda tottenham ayaa guul ku bilaabatay horyaalka premier league xili ciyaareedkan laakiin doonaysa in ay ka fogaato guuldaradii 7-aad oo xariir ah oo ay premier league kala kulmeen iyaga oo ka baxsan garoonkooda markii ugu horaysay tan ilaa 2000

Man city ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay tottenham kaga hor tagtay premier league laakiin waligood may badin 5kulan oo xariir ah premier league iyaga oo wada ciyaari doona kulankoodii 141-aad

Raheem sterling oo dhaliyay saddexley kulankii ugu horeeyay ee man city ayaa si toos ah ugu lug lahaa 6gool 6-dii kulan ee tartamada oo dhan uu ka hor tagay tottenham 5gool iyo 1caawin iyada oo ay ku jirto 4gool oo uu ka dhaliyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu kaga hortagay garoonkooda Etihad stadium

Spurs ayaa ahayd kooxdii ugu badnayd ee goolka ku laagtay kubada kulankii ugu horeeyay ee premier league iyaga oo 31jeer ku laagay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close