CiyaarahaWararka

Haweeneydii ugu horeeysay oo Garsoore ka noqota tartamada Yurub oo caawo la diwaan galin doona.

Garsoore Stephanie Frappart ayaa samaynayso taarikh adduunka loo diwaan galin doona kadib  kulanka caawo ay kala dhex-dhexaadin doonta naadiyada Chelsea iyo Liverpool.

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa caawo waxaa ay wada cayaari doonaan UEFA Super Cup waxa uuna ka dhacayaa Caasimada Istanbul ee dalka Turkiga .

Stephanie Frappart ayaa cawa noqonayso haweynaydii ugu horaysay oo garsoore ka noqota cayaar ay si weyn iskuugu hardinayaan kooxa ka tirsan tartamada Yurub.

Haweynaydaan 35-sano jirka ah ayaa kasoo jeeda dalka France waxaa ayna garsoore ka aheed Cayaartii Finalka ee u dhaxaysay  Marayknka  iyo Netherlands oo ka tirsanaa Koobka haweenka addunka bishii  July ee tagtay.

Frappart, ayaa bishii April ee sanadkaan noqotay haweeneydii ugu horeysay ee dalka France ka noqota garsoore tartamada heerarka ugu sareeya ee dalkaasi.

Haweeneydaan oo ka hadashay sida ay u dareemayso in ay garsoore ka noqota cayaar ay ku loolamiyaan kooxa waaweyn oo xifaaltan iskala dhaxeeyo ayaa tiri “ waxaan filayaa in aysan jirin wax isbeddal ah oo u dhaxeeya sababtoo ah kubadda waa isku mid, garsoorinimadana waa isku mid waxaana samayn doona sida aan sameeyay markaan garsoore ka ahaa cayaarada haweenka”Frappart was in charge of this summer's Women's World Cup final. Frappart is the first woman to referee a Ligue 1 match.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close