Wararka

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Danjiraha U.K ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Kullankaan ayaa sidoo kale ku soo aadaayo iyadoo Isbuucyadii tagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Jame Swan uu safaro ku kala bixiyay maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Waliba Hirshabeelle.

Wakiilka ayaa xili uu booqashadiisi ugu horeeysay uu ku tagay dowlad goboleedka Puntland waxaa uu balan qaaday in uu booqon doona Dhamaan maamul Goboleedyada xubinta ka ah Dowlada dhexe isagoo intaas ku daray in uu kala hadlay xoojinta xeriirka maamulada kala dhaxeeyo dowlada dhexe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close