Wararka

Dowlada oo mulkiilayaasha Gawaarida ugu baaqday in ay bixiyan Canshurta ku wajibtay.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada iyo Nabad Galyada Wadooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin waxa uu u diray dadka Leysin la’aanta gaadiidka ku kaxeeya waddooyinka magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa dadka iska leh baabuurta gaarka ah waxa uu ka dalbaday in ay bixiyaan canshuurta gaadiid kooda ,waxa uu intaa ku daray in dadka ka xeeya gawaarida leesin la,aanta ay muteesan karaan xarig ama ganaax lacageed oo adag.

Dhanka kale Afayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Adan Cali ayaa ku wargaliyay dadkii lahaa gawaarida ku xareesan xarunta ciidanka Booliska in ay soo doontaan iskana bixiyaan ganaaxyada lagu haysto maadaama gadiidkan in tooda badan ay yihiin kuwa soo galay shilal gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed waxa uu intaa ku daray in dadka iska leh baabuurtan ay haystaan 7-cisho oo ka bilaabanaysa maanta oo Taariikhdo tahay 11.7.2020 kuna eg 18 bishan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close