Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo masar oo kala saxiixday heshiisyo horumarineed ee dhanka ganacsiga .

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumada federaalka  Soomaaliya iyo wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga Masar ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka maalgashi ee u dhexeeya Labada Dal.

Heshiiskaan  oo ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar, ayaa dhanka Soomaaliya waxa u saxeeyay wasiirka ganacsiga, Dr; C/llaahi Cali, halka Masarna uu u saxeexday wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah, Haweeneyda lagu Magacaabo, Saxar Nasar.

Intii lagu guda jiray shirkaasi ayaa sidoo kale waxa laga wada hadlay sidii loo samayn lahaa mashaariic wada jira oo ka dhaxeeysa labada Dal sida Dawooyinka qalabka dhismaha, wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha.

Wasiirka maalgashiga Dalka Masar ayaa sheegtay in Labada Waddan ay sameynayaan iskaashi dhaqaale, lana Magacaabayo guddi dhaqaale oo isku dhaf ah, kana kooban wasiirro iyo ganacsato, si kor loogu qaado maalgashiga iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Labadan Waddan.

Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Masar ay dedaal badan ku bixineyso sidii loo adkayn lahaa xiriirka dhaqaale iyo kan maalgashi ee kala dhexeeya Soomaaliya Waxanay intaa ku dartay in xukuumadda Masar iyo ganacsatadeeduba ay diyaar u yihiin in ay uga faa’iideeyaan khirbradda wax soo saarka iyo wershadaha Dadka soomaaliyeed.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close