Wararka

Ciidanka danab oo maanta Baaritaano kawado Deegaanka Camaara.

Deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa saaka waxaa ka dhacay hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab waxaana sida ay saraakiisha ciidanka sheegeen halkaas lagu soo qab-qabtay dad la shaqeeynaayay Al-shabaab.

Sida la sheegay ciidanka ayaa waxaa ay bartilmaameedsanaayeen gooba gaar ah waxaa ayna howl-galkaas kusoo qabteen seddex ruux kuwaas oo sida ay sheegeen gacan saar lalahaa Al-shabaab.

Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa xaqiijiyay in Hawlgalka uu wali socda ayna ciidamada baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close