Wararka

Cayaar lagu maamuusaayay Allah u naxariistee Faisal bin Fahd Al Saud oo lagu qabtay Jiddah.

Masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay cayaar final aheyd oo dhexmartay Ciyaartoyda Jaaliyaddaha Soomaaliya iyo Ereteriya oo lagu qabtay magaalada Jiddah.

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dawladda Federaalka ee Soomaaliya,Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah,masuliyiin iyo dadweyne aad u farabadan ayaa ka soo qayb galay daawadashada Ciyaartaas.

Koobkaan ayaa ahaa mid lagu maamuusaayay Allah u naxariistee marxuum Faisal bin Fahd Al Saud waxaana guusha ay raacday kooxdii kasocotay Jaaliyadda Ereteriya halka kooxda Jaaliyadda Soomaaliya ay gashay kaalinta labaad.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close