Wararka

Askari Soomaali maraykan ah oo dil gaystay oo  laxukumay.

Maxamed Nuur oo hore uga tirsanaan jiray Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota  ayaa maxkamad ku taalla  degmada Hennepin  ee gobolka Minnesota waxay ku xukuntay 12 sano iyo 6 bilood oo xarig ah.

Mr Nuur ayaa bishii April ee sannadkan  lagu helay in uu sannadkii 2017-kii  dil u geeystay haweeynay magaceeda layirahdo Justine Ruszczyk Damond asal ahaan ka soo jeeda waddanka Australiax xilli ay Booliiska magaalada Minneapolis ugu wacatay fal-dambiyeed ay sheegtay in uu ka socday aga’gaarka gurigeeda.

Dibad bax ballaran oo lagu taageerayey Maxamed Nuur ayaa lagu qabtay afaafka hore ee guriga  looga arrimayo dowladda Hoose ee magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee daggan Gobolka Minnesota ayaa aad ugu carooday xukuna lagu fuliyay ninkaan Soomaali maraykanka ah waxaa ayna sheegeen in xukunka lagu fuliyay Maxamed Nuur uu yahay mid cadaalad darro ah waxaa ayna dalbadeen in loo cadaalad fallo Maxamed Nuur.

Aabaha dhallay Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa u mahadceliyey Jaaliyadda Soomalaiyeed ee ka soo qayb-gallay dibad baxa, isaga oo sheegay in ay dalbanayaan in uu wiilkiisu helo xukun Cadaalad dhamaystiran.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close