Wararka

Amb. Cawad oo shegay in kulankii uu la qaatay Muuse Biixi uusan aheen mid siyaasadeed.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Ciise Cawad ayaa ka warbixiyay kulan ay wada qaateen isaga, madaxweynaha Somaliland, wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federqaalka iyo wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland.

Amb. Cawad ayaa sheegay in kulankii ay yeesheen isaga iyo madaxweynaha uusan aheen mid siyaasadeed oo ay si saaxiibtinima ah u sheekaysteen.

Wasiirka ayaa sheegay maadaamaa ay kulmeen iyagoo gu’danaayo Acmaasha Xajka ayna ku sugnaayeen mid kamid ah goobaba adduunka ugu barakaysan ay qaateen kulan saaxiibtinimo oo aan wax siyaasad ah ku lug laheen.

Sawirka ay wada-galeen masuuliyiinta xukuumada Federaalka iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa waxaa ilaa shalay lagu faa’finaayay baraha ay bulshada isticmaasho waxaana si aad ah loo hadal haayay in sawirkaan uu ka turjimaayo isku soo dhawaashaha dowlda dhexe iyo Maamulka Somaliland oo lagu wado in ay yeeshaan wadahadallo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close